DAAWO Sawirada:- Ragii reer Hargeysa oo Maanta dhigay Dibadbax Dumar Doon ah.!!

Bulsha:- Maanta waxaa magaalada Hargeysa ka dhacay Banaanbax ay dhigeen rag dhalinyaro ah oo ka cabanaay guur la’aam ama ay ku raageen doobnimo.

Raga banaanbaxa dhigayay ayaa siday boorar yar yar oo ay ku qoran yihiin Halku dhigyo ka tarjumaya doobnimadooda “ STILL I’M SINGL” oo micnaheedu yahay wali waxaan ahay Doob ama kali, waxaana socod dheer ay ku soo mareen wadooyinka muhiimka magaalada Hargeysa.

Ragaan ayaa ku micneeyays sababta ku kaliftay inay wali doob ahaadaan oo aanay helin Ruux Haween ah oo Lamaane ay ka dhigtaan, waxayna sheegeen guurka Hablaha Hargeysa ay qaali yihiin oo marka aad damacdo inaad guursato u baahan tahay Lacag fara badan iyo shaqo la’aan baahsan oo maamulkaasi ka jirta.

Marka guurka Hablaha Hargeysa laga hadlayo ayaa la sheegay inay u baahan tahay in lagu dhigo Hotelada ugu qaalisan magaalada iyo inaad Lacag caqi gal ahayn bixiso.

Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa laga furay School lagu baranayo arimaha Qoyska iyo sida Haweeneyda u dooran lahayd ruuxa raga ee Nolosha ay la wadaageyso.

Sidoo kale, arimaha furiinta ayaa la tilmaamayaa in Hargeysa caadi ay ka tahay oo Jiraan Hablo badan oo Single Mother ah, kuwaasi oo ragooda ay kala tageen.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment