Daawo:- Madaxweynaha Galmudug oo maanta la caleemasaarayo iyo wufuud ku qul-quleysa Cadaado

Bulsha:- Xilli maanta ay dhacayso munaasabadda lagu caleemo saarayo madaxda dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa magaalada Cadaado gaaray wufuud kala duwan oo munaasabadaas ka qaybgalaysa.


Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano ah oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay  gaaray Cadaado, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug ayaa ka warbixiyay kulamadii uu la qaatay madaxda Qaranka Soomaaliya iyo tababar ay ka heleen Baarlamanka Federaalka.

“Gudoonka Baarlamanka markii hore waxaan wiidiisanay intaan joognay Cadaado, inay na siiyaan siminaar kooban kaas oo ku saabsan shuruucda Galmudug sida Dastuur, xeer hoosaaska runtii waa noo faa’iideeyeen oo rag badan oo aqoonyahano oo qaarkood hadda naa socdaan ayay oo aan doonaynayo inay nala dhamaystiraan ayay naga caawiyeen” ayuu yiri Gudoomiye Cali Gacal .

Dhinaca kale Wasiir ku xigeeno iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Axmed Cali Kadiye iyo Xildhibaanad Jawaahir Axmed Cilmi iyo wafdi kale oo madaxwaynaha Khatumo Cali Khaliif Galayr uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Cadaado, iyadoo la filayo wufuud kale oo heer caalami ah.  







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment