Sawiro: Kenya oo si weyn ugu diyaar garowday soo dhaweynta Obama

Bulsha:- Iyadoo Saacado qura ay naga xigaan booqashada uu M/weynaha Mareeykanka ku imaanayo Kenya, ayaa waxaa diyaar garoow aad u xoogan laga dareemayaa magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Dowladda Kenya, ayaa waxey diyaar-garow xoogan ugu jirtaa soo dhaweynta Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo la filaayo bari niska danbe inuu soo gaaro wadanka Kenya, isagoo hogaaminaayo wafuud gaareyso ilaa 9 boqol oo xubnood oo ka qeyb gali doono shirka caalamiga ah ee Ganacsiga & horumarinta nolasha dadka ee GES (Global Entrepreneurship Summit) oo ka dhici doono magaalada Nairobi 25-ka ilaa 26 bishaan.

Shirka GES oo sanadkaan ka dhacaayo Kenya, ayaa waxaa ka qeyb galaayo Bilyineero kamid ah hogaamiyaasha ganacsatada waa weyn ee adduunka, la taliyayaal, Hogaamiyaal sar sare iyo Madax dowladeed.


Qaar ka mid ah Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu dhajiyay calanka Mareykanka, waxaana lagu arkayaa gudaha magaalada boorar waa weyn oo ah Sawirka Madaxweyne Obama oo lagu qoray erayo soo dhaweyn ah – xili ciidamo badan ay gaaf wareegaayo magaalada, isla markaasna ay sugaayo ammaanka.

Halkaan ka daawo Sawirada:











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment