DAAWO: Dowladda Kenya oo soo saartay 51 askri oo ay ka dishay Al-Shabaab

Bulsha:-   Sida lagu faafiyay Talefishinada dalka Kenya ayaa waxaa lagu shaaciyay in ciidanka Milatariga dalka Kenya ay meel u dhaw Mandheere ku dileyn 51 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab iyadoo laba ka mid ah ay ahaayeen hogaamiyayaal sasare.

Sidoo kale warbixintaan ayaa waxa ay sheegeysay in Diyaaradaha Drones ee dalka Mareykanka iyagana ay duqeyn culus geysteen iyaga oo hal habeen geystay laba duqeyn oo isku xig xigta.

Mileteriga dalka Kenya ayaa waxa cadeeyay in labo sargaal oo katirsan Alshabab oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii bishii April lagu qaaday jaamacadda Gaarisaa ay ku jireen shakhsiyaadka lagu dilay duqeymaha.

Halkaan ka daawo Warbixintaasi oo muuqaal ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment