Bulsha:- AMISOM ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku beenisay dad shacab ah oo ay shalay ciidamada AMISOM si bareer ah ugu laayeen magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM oo sameeynaya Roondo ay dul istaageen xaruun tababar oo ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Jaajuma oo ku dhow xaafada Ceel-Hindi ee Magaalada Marka.
AMISOM ayaa warsaxaafadeedkeeda kusii sheegtay in ay rasaas is weeydarsadeen Al-shabaabkii halkaas ku sugnaa islamarkaasina ay ka dileen 5 iyaga kamid ah, waxaana dadka kamid ahaa hogaamiyihii kooxdaas, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka AMISOM.
Sidoo kale AMISOM, waxay sheegtay in xauuntaas laga helay 2 Qori, waxyaabo qarxa iyo Calanka madoow ee Al-shabaab Caanka ku tahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha DF oo Saxaafada la hadlay, ayaa sheegay ineey baarayaan arrintaan islamarkaasina ay sharciga lasoo tiigsan doonaan Askartii geeystay falkaas.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment