Waa Sidee Ilaa Haatan Xaalada Suuqa Kale Iibsiga ? Sidee Ayeey Ciyaartooy Ula Soo Kala Wareegeen Kooxaha Waa Weyn Ee Yurub ? Si Faahfaahsan Halkan Uga Bogo

Bulsha:-  Waqti badan ayaan sugnay suuq sidaan oo kael u xiiso leh, kooxaha qaar ayaa xili hore sameeyay saxiixyo acjiib ah, ciyaartooyda qaar ayaa kooxo waa weyn ka tagay kuna biiray kuwo kale oo waa weyn dantooda ayeeyna ku sheegeen koobab cusub.

Louis van Gaal kooxdiisa Manchester United ayaa ah kooxda ilaa haatan rikoor ku hogaamineysa suuqa iyagoo dhaafay xuduuda €100 milyan oo euro, afar ciyaariyahan ayaana xili hore yimid kooxda Morgan Schneiderlin, Bastian Schweinsteiger, Memphis Depay iyo Matteo Darmian waana qiimo dhan €101 milyan oo euro umana eka iney shaqada joojiyeen.

Kooxda United waxaa soo raaca dariskooda ay aadka u xifaaltamaan ee Manchester City kuwaasoo jabiyay rikoorka ugu qaalisan ee ciyaartooy ingiriis ah markii ay  €69 ilyan oo euro kula soo wareegeen Raheem Sterling oo ay ka keeneen Liverpool, Sterling waxaa soo raaca labada ciyaartooy ee ingiriiska ah ee da’yarka Patrick Roberts iyo laacibka khadka dhexe ee Fabian Delph, qiimahooda ayaana ah €96.5 milyan oo euro wadar ahaan.

Lama filaanka soo raacay labada Manchester clubs waa Atlético de Madrid kuwaasoo haatan kaalinta labaad kaga jira rikoorka lacagaha ilaa haatan la bixiyay, ‘Rojiblancos’ ayaa qarash gareysay €98 milyan oo euro (waxaa ku jirta €16 milyan ee Filipe Luís, sidoo kale kuma jirto lacagta uu ku imaayo Stefan Savic maadaama Mario Suárez uu u aaday Fiorentina qaab isdhaafsi ah), waxayna ka sareeyaan kooxaha ay xifaaltamaan ee Barça (€56m) iyo dariskooda Real Madrid (€50m) ilaa haatan.

Valencia ayaa iyadu u baahan in si gaar ah loo xuso, waxay ilaa haatan qarasha gareeyeen €109 milyan xagaagan laakin lama wada xisaabinayo lacagtaas maadaama qaarkood ay ku bixiyeen dib u celinta ciyaartooy ay amaah ku heesteen iyi kuwo ay haatan ku keensadeen, lacagta dhabta ah ee ay saxiixyo ku sameeyeen ayaa ah  €92 milyan oo euro.

Kooxaha waaweyn ee talyaaniga ayaa suuqa ruxay iyagoo doonaya iney Italy heerkeedi mku soo celiyaan, kooxda dalkaasi iska yeelatay ee Juventus ay qarash gareysay €83 milyan oo euro oo ay ku keentay, Mario Mandzukic, Paulo Dybala iyo Simone Zaza. (Sami Khadiera bilaash ayuu ku yimid), labada kooxood ee Milan ayaa sidoo kale suuqa ka dhex muuqday, iyagoo kensaday ciyaartooy kuwo kalena wali doonaya waxaana ka soo qaadan karnaa Bacca, Geoffrey Kondogbia iyo Luis Adriano.

Dhanka kale maqaawiirta PSG iyo Bayern ayaa wali geed gaaban ku fadhiya iyagoo il gaar ah ku haya suuqa, kooxda reer France ayaa ilaa haatan sameysa laba saxiix iyagoo  €7 milyan oo euro kula soo wareegay goolhaye Kevin Trapp halka aanan wali laheyn lacagta rasmiga ah ee Benjamin Stambouli oo saakayu ku dhawaaqeen heshiiskiisa, halka kooxda Pep Guardiola ilaa haatan ay sameysay hal saxiix waana Douglas Costa oo ay ku keeneen €30 milyan oo euro, inkastoo la filayo iney dhawaan ku dhawaaqaan saxiixa Arturo Vidal hadana howshiisa ayaan rajo ka badneyn.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment