Waa Kuma Atirishada Lagu Soo Daray Filimka Weyn Yamla Pagla Deewana 3

Bulsha:- Filimka weyn Yamla Pagma Deewana 3 oo ay hogaamiyaal ka yihiin reer Deol Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol duubistiisa waxay si wacan kaga socotaa magaalada Hyderabad ee Koonfurta Hindiya.

Haatana waxaa shaaca laga qaaday atirishada Kriti Kharbanda in filimkaan lagu soo daray sidoo kalena door muhiim ah ku yeelan doonto.

Kriti Kharbanda filimkeeda ugu horeeyay ee Hindi ah wuxuu aha Raaz Reboot oo ay sanadkii hore Emraan Hashmi la sameesay haatana mashruuca Yamla Pagla Deewana 3 ayay saxiixatay.

Director Navaniat Singh ayaa la dhacay tijaabada laga qaaday Kriti Kharbanda wuxuuna ka saxiixay xidigtaan inay Dharam, Sunny iyo Bobby la sameyso Yamla Pagla Deewana Phir Se.

Kriti Kharbanda  duubista filimkaan todobaadka dambe ayay kusoo biiri doontaa ayadoo hees jaceyl ah iyo hees shidan wax ka duubi doonto.
F.G: Hada ka hor waxaan idinla wadaagnay in Kajal Aggarwal filimkaan wax ka jileyso welina lama xaqiijinin YPD3 inay qayb ka tahay ama mashruucan isaga baxday.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment