Atirishada Katrina Kaif Oo Beenisay Inay Filimka Super 30 Hrithik Roshan La Jileyso

Bulsha:- Atirishada Katrina Kaif ayaa meesha ka saartay inay filimka Super 30 la sameyn doonto Super Star Hrithik Roshan waxaana filimkaan Director ka ah Vikas Bahl.

Anand Kumar oo ah xisaabiye barnaamijyo kala duwan dhanka IT-ga kusoo kordhiyay sidoo kalena gudaha Hindiya siweyn looga tixgaliyo ayaa filimkaan noloshiisa looga hadlaa.

Anand Kumar ayaa baraha soo dhigay sawir isaga iyo Katrina wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkaan “Waqti badan waxaan la qaatay atirishada Bollywood-ka ka tirsan Katrina Kaif waxaana ka hadalnay mowaadiic badan”

Isla markiiba waxaa la bilaabay hadal heyn ku aadan in Katrina filimka Super 30 sameeneyso marba hadii ay kulan la qaadatay Anand Kumar oo filimkaan noloshiisa looga hadlaayo.

Afhayeenka Katrina ayaa arinkaan si rasmi ah kaga hadlay wuxuuna yiri “Katrina ma sameeneyso filimka Super 30 kaliya waxay la qaadatay Anand Kumar kulan u gaar ah mana laga hadlin inay filimkan sameyso”
Maalmo ka hor ayuu Anand Kumar la kulmay Hrithik Roshan ayagoo ka wada hadleen qaabka filimkaan loo sameenayo iyo arimo kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment