Bulsha:- Filimka weyn Yamla Pagma Deewana 3 oo ay hogaamiyaal ka yihiin reer Deol Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol duubistiisa waxay si wacan kaga socotaa magaalada Hyderabad ee Koonfurta Hindiya.
Haatana waxaa shaaca laga qaaday atirishada Kriti Kharbanda in filimkaan lagu soo daray sidoo kalena door muhiim ah ku yeelan doonto.
Kriti Kharbanda filimkeeda ugu horeeyay ee Hindi ah wuxuu aha Raaz Reboot oo ay sanadkii hore Emraan Hashmi la sameesay haatana mashruuca Yamla Pagla Deewana 3 ayay saxiixatay.
Director Navaniat Singh ayaa la dhacay tijaabada laga qaaday Kriti Kharbanda wuxuuna ka saxiixay xidigtaan inay Dharam, Sunny iyo Bobby la sameyso Yamla Pagla Deewana Phir Se.
Kriti Kharbanda duubista filimkaan todobaadka dambe ayay kusoo biiri doontaa ayadoo hees jaceyl ah iyo hees shidan wax ka duubi doonto.
F.G: Hada ka hor waxaan idinla wadaagnay in Kajal Aggarwal filimkaan wax ka jileyso welina lama xaqiijinin YPD3 inay qayb ka tahay ama mashruucan isaga baxday.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment