Bulsha:- Wasiirro ka tirsan xukumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta magaalada Jowhar kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle.
Wasiirada ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay joojiyaan talaabooyinka ay ku cuuryaaminayaan maamulka, waxa ayna sidoo kale u ballanqaaden inay dhici doonto doorasho ka duwan kuwii hore.
Wasiirada ayaa Xildhibaanada xasuusiyay saameynta ay leedahay maamul dhisan oo la kala diraa, sidaa awgeed waxa ay ku baaqeen inaan mardanbe aysan dhicin talaabo ceynkaa ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo kulankaasi ka hadlayay, ayaa sheegay in Hogaamiyaha maamulka lagu riday sifo sharci ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Xildhibaanada ku booriyay inay ka fiirsadaan talaabooyinka ay doonayaan inay qaadan, waxa uuna dhankiisa kula taliyay inaan lagu dhiiran riditaanka maamul jira.
Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa wafdiga u sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Xildhibaanada, taasina uu ku cadayn karo, sida Xildhibaanada ay u soo xaadireen kulankaasi.
Dhanka kale wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Juxa, ayaa Magaalada Jowhar kula kulmay Hogaamiyihii HirShabelle Cosoble, iyadoo aan faah faahin laga hayn waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Hogaamiyihii Hirshabelle ee kalsoonida lagala laabtay, ayaa Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre si xoogan ugu eedeeyay in uu dhaqaale ku bixiyay burburinta Maamulka Hirshabelle.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment