Bulsha:- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horeysey booqanaya magaalada Gaarisa tan iyo intii uu madaxweyne ka noqdey Jubbaland.
Axmed Maxamed Islaam
Madaxweyne Axmed ayaa ka qeybgalaya caleemo-saarka gufarnatooraha cusub ee degmada Gaarisa Cali Bunoow Qorane sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah guddiga qabanqaabada caleemo-saarka Bunoow oo dhacaysa maalinta isniinta.
Warar kale ayaa sheegaya in Axmed uu Gaarisa u tagayo si uu u xaliyo kala irdhoow soo kala dhexgalay beelo halkaasi wada degan oo arrimo siyaasadeed isku qabtay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment