Siddharth Malhotra Iyo Jacqueiline Fernandez Shumiska Ay A Gentleman Ku Wadaageen Lama Jarin

Bulsha:-  Waxaa la isla dhex maraayay in shumiska waqtigiisa dheer yahay ee dhex maray Siddharth Malhotra iyo Jacqueiline Fernandez kuna jiro filimka A Gentleman in la jaray.

Laakiin labada filimkaan Director ka ah Raj Nidimoru iyo Krishna DK ayaa beeniyeen sheekadan waxayna daaha ka qaadeen in filimkaan gudiga filimada faaf reebaan la hor geeyay sidoo kalena aan shumiskaan la jarin madaama uu sheekada filimka muhiim u yahay.

Siddharth Malhotra ayaa sidoo kale sheegay in muuqaalkan si dhib badan iyada iyo Jacqueiline u sameeyeen inkastoo uu ahaa muuqaal dareen ku dheehan madaama loo duubay hab dhib badan.
Filimka A Gentleman oo ah filim Action iyo shactiro isku jiro waxaa la daawan doonaa 25-ka bishan August sidoo kalena Suniel Shetty iyo Darshan Kumar ayaa doorar muhiim ah ku leh.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment