TopNews:- Dowladda Federaalka oo aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo

Bulsha:-  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen magaalada Muqdishu hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabduqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye)

Fiqi ayaa warsaxaafadeed uu aqriyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay martiqaadday hoggaamiyaha SSC-Khaatumo wadatashi dheer kadibna ay aqoonsan tahay bayaanka Isimmada SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo ee sanadkan, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

“Xukumadda Federalka Soomaliya FS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.


“DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment