Bayaan culus oo laga soo saaray shirka mucaaradka DENI ee Garoowe

Bulsha:- Shirkii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland uga socday magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban siddeed qodob.

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka ayaa ugu horeyntii waxaa sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

“Wuxuu shirku go’aamiyay in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taasi oo aan ognahay wixii laga soo maray,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka mucaaradka Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.”

“Shirku wuxuu bogaadinayaan dagaalka lagula jiro argagixisad, kaasi oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu shirka bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-Khaatumo.”


Ugu dambeyntiina bayaanka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka kasoo horjeeda Saciid Deni ayaa lagu shaaciyay dhisadda Dallada Mucaaradka Puntland, oo ay qeyb ka yihiin Midowga Musharaxiinta Puntland, Madasha Siyaasadda ee Puntland, Madasha Samata-bixinta iyo Urur siyaasadeedka Mideeye.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment