Jubbaland oo soo bandhigtay Rag ka tirsanaa oo Al-Shabaab u gacan geliyay Gaari uu lahaa Maamulka

Bulsha:- Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland

ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo  sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay Al-Shabaab uga iibsadaan hantida Maamulka ee lagu aaminay.

War kasoo baxay Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.


Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen Al-Shabaab, kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku maamulaan Al-Shabaab, balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay Al-Shabaab  iyo raggan katirsanaa Maamulka Jubbaland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment