Greece oo ka digtay qulqul muhaajiriin oo ka dhasha dagaalka Israel iyo Xamaas

Bulsha:- Iyada oo ay Israa'iil sii kordhisay go'doominta ay ku hayso marinka Qaza, isla markaana ay sare u kacday suurto-galnimada dagaal wakhti dheer socda, ayaa dawladda Giriigu waxay sheegtay in laga cabsi qabo qulqulka muhaajiriin cusub oo ka soo cararaya colaadda ka socota Marinka Qaza.

Sarkaalka ugu sareeya dhinaca socdaalka ee dalka Giriiga ayaa ka digay in colaaddan ugu dambaysay ay sare u qaadayso tirada muhaajiriinta, taas oo ay hore Qaramada Midoobay u sheegtay inay Falastiiniyiintu ay kaalmaha hore kaga jiraan.

Wasiirka socdaalka ee dalka Giriiga Dimitris Keridis ayaa ka digay, in xataa ka hor intii aanay rabshadahan ugu dambeeyey bilaaban, in dalkiisa Giriigu uu la tacaalayey tiradii muhaajiriinta sharci-darrada ahayd ee ugu badnayd ee ay arkaan sannadahan.

Wasiirka ayaa ka digay in xiisadaha cusub ee ka jira Bariga Dhexe, inay mar walba culayska dhinaca muhaajiriinta ku sii kordhinayaan dalkiisa, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan dalalka Midawga Yurub. Wuxuu si gaara farta ugu fiiqay haddii Iran ay ku lug yeelato xiisaddan cusub, iyada oo ay marka horeba xaalado kala duwani ay ka jiraan Lubnaan, Masar iyo Liibiya.


Si la mid ah dalalka Spain iyo Italy, dalka Giriiga ayaa isaguna culays badan kala kulma dhinaca muhaajiriinta, waxaana sannadkan la diiwaangeliyey in tirada muhaajiriinta sharci-darrada ahi ay labanlaabmeen marka la barbardhigo sannadkii hore.

Anthee Carassava










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment