Maleeshiyaad kala taabacsan Cubeyda iyo Mahad Karataay oo ku dagaalamay JILIB

Bulsha:- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan, Amiirka Guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda iyo Madaxa amniyaadka ee kooxda Mahad Warsame oo loo yaqaano Karataay, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Qoraal ay soo dhigtay wasaaradda barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in dagaalamayaal la kala safan horjoogayaashan ay ku dagaalameen degmada Jilib iyo sidoo kale deegaanka Hargeysa Yarey oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalkaas uu khasaare lixaadleh kasoo gaaray Al-Shabaab dhexdeeda, ayna weli xaaladdu tahay mid cakiran.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dagaalka uu daba socday xariga ay kooxda u gaysatay maleeshiyaad taabacsan garabka Mahad Karataay oo kamid ah xubnaha sar sare ee isla Al-Shabaab, kaas oo kasoo muuqday howlgalladii u dambeeyay ee kooxda

Wararka ayaa sheegaya in khilaafka labada nin uu muddo dheer soo taagnaa, balse ay qarineysay kooxda, waxaana ay isku qabteen arrimo la xiriira maaliyadda.


Intaasi kadib Abuu Cubeyda ayaa isku dayay inuu xilka ka qaado Mahad Karataay oo isugna ka biyo diiday tallabadaas, taas oo dhalisay xiisadda ka dhex qaraxday Al-Shabaab, sida ay ku warramayaan ilo dhanka sirdoonka ajh oo soo dusiyay xogta khilaafka haatan qarxay.

Dagaalkan ka dhacay aagga degmada Jilib ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan kooxda wajaheyso guluf culus oo ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ka saaraan deegaano ku yaalla Galmudug & HirShabelle.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment