Xasan iyo kooxdiisa oo kal dambe ku baraarugay halista bixitaanka ATMIS

Bulsha:- Ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya oo hore loo oran jiray AMISOM, haddana loo yaqaano ATMIS ayaa gacanta ku haya goobaha muhiimka ah ee dowladda.

Goobahan ayaa kamid ah garoonka diyaaradaha, Madaxtooyada, Dekedda Muqdisho iyo xeradda Xalane oo ay ku yaallan inta badan safaaradaha reer galbeedka ku leeyihiin Soomaaliya iyo goobo kale.

Dhowr iyo tobankii sanno ee ay joogeen Soomaaliya waxay kaalin ka qaateen in Soomaaliya ka baxdo kumeel-gaarka ah, in madaxda adduunka usoo bareerto imaatinka Soomaaliya, in xukunka si nabad ah lagula kala wareego, in diyaraado caalami ah usoo bareeraan ka shaqeynta Soomaaliya iyo in argagixisada laga difaaco illaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay ku jirtay dib u dhis ciidan.

Joogista ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sidoo kale leh qeybo badan oo taban ayaa haddana weli lagu kala aragti duwan yahay xilliga ku habboon inay baxaan. Dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo la wareega masuuliyadda amniga ayaa socday tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiis ay dowladdii madaxweyne Farmaajo la gashay Midowga Afrika iyo dalalka kaalmeeya ciidanka ATMIS ayaa dhigaayay in ciidanka ATMIS ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya daba-yaaqada 2024.

Iyada oo Farmaajo uusan si adag ula diririn argagixisada ayuu haddana dhinaca kale doortay inay baxaan ciidanka Midowga Afrika.

Dad badan ayaa weli raadinaya waxa qarsoon ee uu damacsanaa, wallow ay jiraan dad aaminsan inuu rabay in uu keensado ciidamo Itoobiyaan iyo Eriteriyaan iskugu jira oo isaga toos uga amar qaata uuna ku fushan karo wixii uu doono oo siyaasad ah, maadaama ciidanka Midowga Afrika aan dano gaar ah loo adeegsan karin oo ay yihiin ciidan sharciyeysan oo ka amarqaata ururka Midowga Afrika iyo dalalka reer galbeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu yimid xafiiska argagixisada oo ka xoog badan halkii uu kaga tagay iyo ATMIS oo lagula heshiiyay inay ka baxdo dalka. Wuxuu qaaday dagaal si uu guud ahaan dalka ula wareego inta aanay bixin ciidanka Midowga Afrika oo goobo badan gacanta ku haya.

Sida muuqata dagaalku weli waqti badan ayuu u baahan yahay, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya soo baraarugtay dagaalkii oo wejigii koowaad weli ku jira iyo ciidankii Midowga Afrika oo bixitaankii bilaabay, waana midda keentay in dhawaan codsadaan in bixitaanka dib loo dhigo inta ay dowladda Soomaaliya ka xaqiijineyso guusha dagaalka.

Dad badan ayaa qaba in aan weli la gaarin waqtigii saxda ku ahaa bixitaanka ciidanka Midowga Afrika, taas bedelkeedana loo baahan yahay in marka hore kaalin ka qaatan dagaalka socda iyo in argagixisada si buuxda loo wiiqo.


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu dhawaan taageeray in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan ciidanka ATMIS. Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay TRT World in haddii ay baxaan ciidanka ATMIS iyada oo xaaladda waxba iska beddelin oo aanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya guullo wax ku ool ah ka gaadhin argagixisada inay dhici karto xaalad jahwareer ah oo lamid ah middii Afghanistan.

Labada waddan ee Kenya iyo Jabuuti ayaa hore u muujiyay walaaca waxa ka dhalan kara haddii ay baxaan ciidanka ATMIS iyada oo Soomaalida diyaar aheyn, waxayna taas bedelkeeda ka fikirayaan inay Soomaaliya geeyaan ciidan ka baxsan ATMIS.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment