Ciidamada DF oo cagta mariyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen BAKOOL

Bulsha:- Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan si gaar ah uga fuliyay agagaarka degmada Tiyeeglow, ayaga oo bartimaameesaday deegaano ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Deegaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa kamid ah Ceel Garas, Dudumal, Waraabe iyo Moorahagar oo qiyaastii 45 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka guutada 9-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaale Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgallladan uu ahaa inay Al-Shabaab ka saaraan dhulkaasi, ayna ku guulaysteen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaas, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ku beegsato ciidamada huwanta.

Yoonis Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulkaasi, si looga sifeeyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ay guulaha ka sheegay dowladda dhexe.

Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.


Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ku wada magaaladaasi, kuwaas oo ku aadan dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment