Carruurta Sheekh Xasan Diirshe oo war cusub kasoo saaray dilka Aabahood

Bulsha:- Qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde oo dhawaan aano qabiil loogu dilay  Dhuusamareeb isaga iyo marxuum Saciid Tahliil Maxamed ayaa war cusub kasoo saaray dilkaas oo caro ka dhaliyay deegaanada Galmudug.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo, Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan aarsan doonin, isla-markaana aan lagu soo tarbiyeen daadinta dhiig qof muslim ah, wuxuuna Umaadda Soomaaliyeed ka codsaday inay u duceeyaan aabahood, maadaama gacan xaq darran ay dishay.

“Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaan annaga horta fikir noocaas ah marna qalbigeena kusoo dhicin inuu kusoo dhacana ilaahey ayaan ka magan geleynaa, waayo tarbiyada noocaas ah yacni in dad la dilo, la dhaco, la waxyeeleeyo aabaheyna ma sameynin, naguma soo tarbiyeen” ayuu waresyigaan kum yiri Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe Cadde.


Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ay qoys ahaan u gaareen, isla-markaana aysan dooneyn in dhibaatada ay sii socoto, si dhiig kale loo daadiyo.

“Aarsi ma jiro, dhiig muslin uma socono arinkaasi waa arrin aan wada qaadanay” ayuu mar kale yiri Sheekh Yaxye.

Waxaa kale oo uu uu intaasi kusii daray in go’aankan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta, ayna ku bogaadiyeen arrinta ay soo jeediyeen, si loo dajiyo xaaladda.

“Fikirkan aan baahinay waa go’aan ay nala qabaan odayaasha, yacni arrinkaasu waa arrin markii horaba odayaashu afkooda ka maqleynay oo ay nagu dhiiragelinayeen” ayuu yiri.

Allaha u naxariistee dilka Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagudba kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa daba socday dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Xananbuure ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay hadda xalintiisa ku baxday Galmudug.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment