Maxay tahay farriinta ay dirayso xarigga NISA ee Taakeeye?

Bulsha:- Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa 3-dii October sheegtay in magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya laga soo qabtay Sufyaan Sheekh Axmed oo loo yaqaanno "Taakeeye" oo ahaa shaqsi Soomaalidu ka baratay Baraha Bulshada.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay "in lagu billaabay su'aalo iyo baaritaan ku saabsan xiriirka kala dhexeeya ururada xagjirka ah" iyo dadka la wadaaga Afkaarta uu aaminsan yahay oo sida la sheegay "halis ku ah dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed".

Qoraalkan oo aad u koobnaa waxa uu Sufyaan Sheekh Axmed ku eedeynayaa in uu faafin jiray afkaaro gurracan oo xagjir ah, oo liddi ku ah xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu taageeri jiray "Khawaarijta" oo magac ay dowladdu ugu yeerto Al-Shabaab.

Sida ilo-wareedyo ku sugan Nairobi ay VOA-da u sheegeen Sufyaan Sheekh Axmed waxaa markii hore xiray ciidamada dowladda Kenya, kadibna soo daayay. Wareysi laga qaaday oo lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa waxa uu ku sheegay in su'aalo ay weydiiyeen ciidamada, soona daayeen. Wxa sidoo kale uu wareysigaasi ku sheegay "In xariggiisa ay ku lug leeyihiin sirdoonka Soomaaliya" oo diiddan afkaarta uu qof ahaan ka aaminsanyahay dowladda Soomaaliya.

Muxuu aamisan yahay Taakeeye?
Markii ugu horreysay oo ay hadal haynta ninkaan qabsatay Baraha Bulshada ee Soomaalidu ku wada xiriirto ayaa waxay aheyd mar uu soo bandhigay afar dumar ah oo uu ku sheegay xaasaskiisa “oo wada faraxsan" laba sano kahor. Arrintaas ayaaabuurtay in si weyn loo falanqeeyo, kadibna waxa uu mar kale soo muuqday isaga oo dhaliilaya Calanka Soomaaliyeed ee baluugga ah.


Wixii intaasi ka dembeeyay waxa uu si toos ah uga soo muuqanayay Baraha Bulshada, isaga oo sheegayay in uu ku hadlayo afka Xisbi uu ku magacaabay 'Talo ku-nool". Waxa uu sheegi jiray in uu doonayo in Soomaaliya lagu maamulo shareecada Islaamka. Dowladda ayuu si weyn u dhaliili jiray, isaga oo inta badan falcelinta uu kala kulmo dadweynaha ay aheyd mid lagu diidayay aragtidiisa, qaar ka mid ah bulshada ayaa u arkayay nin si dad ban u faafinaya afkaaraha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda ma ku saxneyd xariga Taakeeye?
Ismaaciil Daahir waxa uu horay usoo noqday agaasime ku-xigeenka hey'adda NISA, xarigga Sufyaan Sheekh Axmed waxa uu u arkaa mid dowladdu ay ku saxneyd marka loo eego ficilladii uu sameynayay.

"Sufyaan Taakeeye, waxa uu qatar weyn ku ahaa dhallinyarada ku jirta Baraha Bulshada, isaga oo faafinayay afkaar gurracan oo la mid ah tan Al-Shabaab, isaga oo aan afkiisa ka qiraneyn in uu Al-Shabaab yahay, laakiin taageerayay fikirkooda, ciddii kasoo horjeeddana ay yihiin gaalo, xitaa waxa uu gaaleeyay mas'uuliyiintii dowladda, marka isaga oo magacii Shabaab ka dheeraanayay ayuu haddana afkaartoodii faafinayay, marka in la soo qabto waxay aheyd waajib saaran laamaha amniga ee qaranka," ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Agaasime ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir waxa uu qabaa in dowladda Soomaaliya ay soo saarto Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Internet-ka, si loola xisaabtamo dadka baahinaya farriimaha amniga qatarta ku ah, sharcigaas oo noqon lahaa mid xakameeya wax badan.

"Maadaama lagu jiro casri Baraha Bulshadu ay awood badan leeyihiin, waxaa muhiim ah in dowladdu ay soo saarto Sharciga Baraha Bulshada "Social Media Act" si dadka geysanaya dembiyada meelahaasi ka dhaca loogu helo ciqaab sharci ah, Laakiin marka aan u imaado xarigga Taakeeye waxa uu yahay mid diraya farriin ah in dad badan ay ka baaqsadaan in si toos ah ay u taageeraan Al-Shabaab iyo guud ahaanba argagaxisada," ayuu mar kale yiri Ismaaciil Daahir.

Qaar kamid ah dadka ka faallooda amniga ayaa u arka in Sufyaan Sheekh Axmed uu ahaa nin inta badan ka hadla arrimo iska hor imaanaya, loona baahnaa in hay'adaha amnigu ay si gaar ah ula socdaan, haddiise loo helo caddeymo ku filan la horgeeyo cadaaladda, sida uu ku doodayo Axmed Kaboole oo kamid ah Golaha Deegaanka Caasimadda Stockholm ee dalka Sweden, sidoo kalana ah fallanqeeye amniga.

"Markaan dhagaystay waraysiyadiisii hore, Taakeeye ma u arko inuu lahaa khatar weyn, madaama uu ahaa shaqsi badanaa ka hadlayay arrimo controversial ah, sida darteed, waa laga yaabaa in hay'adaha amnigu ay il gaar ah ku hayeen, lakiin, waxaan qabaa in laamaha amnigu ay saamayn ku yeelatay doodaha social media yaalla, sidaa darteedna ay muhiimadda u siiyeen xariggiisa. Haddii ay jiraan caddaymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in shakhsigu si fir-fircoon ugu lug leeyahay horumarinta argagixisanimada ama kicinta rabshadaha, waa macquul in la xiro oo lagu dacweeyo sharciga la xidhiidha argagixisanimada. Taasna waxay muhiim u tahay ilaalinta amniga Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Sufyaan Sheekh Axmed oo hadda ku jira gacanta NISA ayaa waxaa la filayaa in baaritaan kadib loo gudbiyo garsoorka dalka, waxa uuna xariggiisu kusoo aadayaa xilli dowladda dhexe dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab oo laga saaray dhul ballaaran oo ay muddo dheer maamulayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u ballan qaaday in Al-Shabaab lagala dagaallami doono xagga fikirka, dhaqaalaha, iyo ciidamada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment