Ciidamada Mareykanka oo soo riday diyaarad Turkigu leeyahay

Bulsha:- Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.

Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK.

Ciidamada Mareykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Mareykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta.

Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Mareykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara.

Ryder waxa uu yiri "Taliyayaasha Maraykanku waxa ay qiimeeyeen... diyaaradda, oo markan wax ka yar nus kiilomitir u jirta ciidamada Maraykanka, in ay tahay halis.”

“Kadib diyaarad Mareykan oo F-16 ah ayaa si is-difaac ah usoo ridday diyaaraddii drone-ka,” ayuu yiri.

Xoghayaha difaacca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii la hadlay dhiggiisa Turkey Yasar Guler, isaga oo ku booriyey “in la qaboojiyo xiisadda waqooyiga Syira, iyo muhiimadda in si adag loo ilaaliyo qawaaniinta isku dhacyada iyo isgaarsiinta iyada oo loo marayo hab milatari ka militari ah," ayuu Ryder ku yiri war-saxaafadeed.


Wasaaradda difaaca Turkey ayaa xaqiijisay wada-hadalka labada mas’uul, ayada oo sheegtay in laba sarkaal ay ka wada-hadleen “dhacooyinkii ugu dambeeyey ee Syria.”

Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment