Ra’iisal Wasaare Xamse iyo Wafdi uu Hogaaminayo u Ambabaxy dalka Maraykanka

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan dowladda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment