Laba arrin oo xal u noqon kara culeyska ciidamada ka haysta difaaca deegaanada la xoreeyo

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa horumar ballaaran ka sameeysay dagaalka ay kula jirto argagixisada. Shacabka Soomaaliduna si xooggan ayay ugu biireen dagaalka af iyo addinba.

Maanta waxay kamid tahay maalmaha ugu wacan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, maadaama goobo badan gacanta lagu dhigay.

Deegaan qabashadu waxay ku socotaa si wanaagsan, laakiin weli waxay dowladda la tacaaleysa gacan ku haynta deegaanada la qabto. Waxaa jira dhowr magaalo oo la qabtay kadibna dib looga soo baxay, iyada oo dib u qabashada labaadna ku kici doonto qiimo gaar ah.

Dadweynaha waxay si weyn uga hadlayaan inay dowladda qorshe gaar ah u sameeyso gacan ku haynta deegaanada la qabto, si uusan gulufka waqti dheer u qaadan, dhinaca kalena aan marwalba loogu baahan in hal magaalo laba jeer la qabto.

Khubaro amni ayaa laga soo xiganaya in arrintaan xal u noqon karto laba arrin, tallooyinkan ayaa kala ah;

1. In aan laga harin kooxda markii ay jabto
Inta badan ciidanka dowladda markii ay goob qabsadaan oo ay ka baxdo argagixisada waa ka haraan, oo waxay difaac ka galaan halkii la qabtay. Taas oo keenta inay markale kooxda isa-soo abaabusho oo ay dib usoo qaado duullaan.

Khubarada amni ayaa waxay qabaan in aan kooxda laga harin oo lagu beegsado goobta xigta ee ay rabaan inay degan kadibna iska soo abaabulaan.

2. Dhismaha ciidan u gaar ah gacan ku haynta deegaanada la qabto
Khubarada amni ayaa sidoo kale qaba maadaama inta badan uu ciidanka xoogga u dhisan yahay burburin iyo dagaal toos ah, waa in dhinaca kale laga fikiraa dhismaha ciidan gaar ah oo aan qeyb ka aheyn qabashada balse qaabilsan gacan ku haynta.

Waxay khubarada xoojineysa in ciidankaas laga xulo kuwa yaqaan deegaanada la qabtay oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

In la helo ciidan leh tababar gaar ah, waajibkooda iyo siyaasadooduna tahay gacan ku haynta deegaanada la qabtay, laguna saleeyo xulashadooda deegaan ahaan ama deegaan aqoon lehna hoggaan gaar ah waxay keeni karta in lasoo afjaro culeyska ka jira gacan ku haynta deegaanada la qabtay iyo sidoo kale in ciidanka duullaanka ah ay hore usii socdaan oo kooxda ku beegsadaan deegaanada dhiman.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay maalmahan ku mashquulsan tahay qorista ciidanka deegaanka oo la siinayo xuquuq gaar ah, waxaana xeel-dheerayaasha amniga qabaan in dib u qaabeynta socota lagu daro qorshaha ciidan ka shaqeeya gacan ku haynta deegaanada illaa hadda laga saaray kooxda ama kuwa uu hadda qorshaha uu yahay in laga saaro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment