Al-shabaab oo laga saaray degmada Bacaadweyne, Qaycad iyo Shabeelow

Bulsha:- Mas’uuliyiinta Soomaaliya ee ku sugan maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa degaanku ay qabsadeen degmada Bacaadweyne iyo degaannada Qaycad iyo Shabeelow, maanta.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in degaannada la qabsaday kadib dagalalo kooban oo dhacay Axaddii.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa VOA u sheegay in dagaalladu saaka dhaceen, al-Shabaabna laga saaray degaannadaas.

Dhinaca kale, ciidamo kale oo kuwa degaanka ah iyo kuwa dawladda ayaa la sheegay inay kusii jeedaan degaanka Camaara. Degaannada ayaan ka tirsan gobolka Mudug.

Dhinaca kale, ciidamada degaanka iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa la sheegya inay isku hor-fahdiyaan degaan u dhow Cali Fool Dheere oo ka tirsan gobolka Shabeellda Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dawladda iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ay beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab degaano ku yaalla Bariga webiga Shabeelle shalay.


Ciidamada degaanka ayaa la sheegay inay doonayaan inay al-Shabaab u wada tallaabiyaan dhinaca galbeed ee webiga Shabeelle.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment