Tiktok oo joojisay lacagihii ay siin jirtay Salwan Momika iyo ninkan oo baroor bilaabay

Bulsha:-  Barta dijitalka ee TikTok ayaa shaacisay inay joojisay Hadiyadihii Lacageed ee ay siin jirtay Ninkaas Qaxootiga Kirishtaanka Ciraaqiga ah, kaasi oo marar badan Nuqulka Musxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay gudaha dalka Sweden.

Salwan Momika waxa uu si weyn uga macaashay Falalka xadgudubka ku ah Islaamka, iyadoo ay arrintaasi Xiisado Walaac Siyaasadeed iyo mid Amni ka abuurtay dalka Sweden.

Hadal-qoraal oo ay Shirkadda Baraha Bulshada Shiinaha ee TikTok soo saartay, oo Nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey Warbaahinta Raadiyaha Swedish ee (Radio Ekot) ayey ku qeexday Go’aanka ay Salwan Momika kaga joojiyeen Lacagihii ay Hadiyad ahaanta u siin jireen.

TikTok waxay xustay inay Ninkaas horey u ahaan jirey Maleeshiyo ay siin jireen Kharaj u dhexeeya 1,000 ilaa 3,000 ee Lacagta Kroner halkii Tebin Toos ah ee uu ku gubayo Musxafka Qur’aanka Kariimka.

Dhanka kale, Dembiile Salwan Momika waxa uu qiray inay TikTok ka joojisay Hadiyadihii Lacagta ee uu ka heli jirey, kadib, cadaadis uga yimid Hay’adda Adeega Ammaanka Swedish ee (The Swedish Security Service (SAPO).

Waxa uu sii raaciyey in Tallaabadaasi lagu doonayo in Isaga lagu aamusiyo iyo in looga horjoogsado Falalka xadgudubka ee uu joogtada ka dhigtay inuu ku gubo Musxafka Qur’aanka Kariimka.

Xayiraadaasi dhanka Shirkadda TikTok iyo culayska Hay’adda SAPO saartay waxay u horseeday Salwan Momika inuu soo post gareeyo Link uu kuu dawarsanayo, isagoo ka codsaday Taageerayaashiisa inay si toos ah isaga ugu soo yaboohaan Dhaqaalaha, si uu u sii wado Shaqadiisa “Gubista”, waa sida uu Hadalka u dhigay.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment