Taliyaha Ciidanka Booliska oo gaaray degmada Cadalle ee gobolka Shabeelada Dhexe

Bulsha:- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakiil kale, ayaa Maanta kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ee ku  sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale ee  gobolka shabeladaa Dhexe.

Kormeerka ayaa daaranaa, u kuurgelida hanaanka shaqo, Badqabka iyo  Dhiirigalinta Ciidanka.

Ciidanka Daraawiishta Boliisku ayaa qeyb ka ah, Difaaca Waaxaha Qaranka, waxeyna waajibaadka difaaca la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo qeyb libaax ka qaata howlgalada la dhan aka ah Alshabaab ee Dalka ka socda.

Sidoo kale Ciidanka Daraawishta Boliiska ayaa qeyb ka ah hanaan dhimista Ciidanka ATMIS iyo kala wareegida xeryaha iyo fadhiyada la qorsheeyay.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment