Ciidamada dowladda oo howlgal ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Bulsha:- Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada Khaalid Binu Waliid ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan ku buburiyay fariisimo Al-Shabaab ku laheyd degaano hoostaga degmooyinka Galcad iyo Ruunirgood ee gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay dhulka howdka ah ee ku dhow Galcad iyo Ruunirgood, iyadoo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada godod waaweyn oo gambaad iyo difaacyo u ahaa  iyo waliba bicihii ay biyuhu ugu jireen oo ay ka carareen.

Taliyaha hoggaaminaayay howlgaladaan ee guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Runirgood iyo Galcad ay ku burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment