Dhalinyarada isticmaasha TikTok oo jawaab ka bixiyay go’aanka DF Soomaaliya

Bulsha:- Qaar kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda ee lagu sheegay in lagu xirayo aaladaha TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka ee 1XBET.

Go’aankan ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS Jaamac Xasan Khaliif, wuxuuna sheegay in arrintaas lagu go’aamiyay Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, kaas oo ay ka qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha TiTtok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta ee dowladda federaalka Somalia.

Haddaba maxay dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada ka yiraahdeen go’aanka dowladda?

Bilaal Bulshaawi oo loogu yeero “Madaxweynaha TikTok” oo la falceliyay arrintan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto barashada bulshada.

“Runtii dowladda awood uma laha inay maanta wax xirto kaliya iyada waxa ay awoodaa in shirkadaha qasabto, si adress-ka looga xiro” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aad ula yaabeen markii ay maqleen go’aankan lagu xirayo aaladaha TikTok iyo Telegram oo uu tilmaanay inay la mid yihiin Youtube iyo Facebook.


“Go’aan la yaableh ayuu ahaa oo saacadihii ugu dambeeyay soo baxay sida la wada ogyahay TikTok waa Aplication kamid ah kuwa kale, sida Youtube-ka, Facebook iyo Telegram, haddii ay dowladdu rabto inay wax ka hortegto waxaa wanaagsaneyd inay soo dhex gasho qiimeyso halka ay sirtu ka qurunsan tahay marka ay ogaato go’aan gaarto” ayuu raaciyay.

Dhanka kale Baaquli Boy oo kamida dhalinyarada caanka ee isticmaasha TikTok ayaa qaba aragti ka duwan midda Bilaal Bulshaawi, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in la xiro aaladdan oo uu tilmaamay inay dhibaato ku tahay mustaqbal dhalinyarada dalka.

“Xilligii la xiri lahaa waa la taagan yahay, waan qabaa in albaabada la’isugu dhufto, waana aaminsanahay in la xiro” ayuu Buuquli Boy isna uga falceliyay go’aanka dowladda.

Waxa kale oo uu kusii daray in aaladda TikTok ay qiimo tirtay hablihii Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Dumarka Soomaaliyeed dhulka ayuu la galay TikTok sidiisa haba la xiro, adeer hadda lacag ka raadsan jirtay meelo badan ayaa jiraan ee ka raadso” ayuu mar kale yiri Baaquli Boy.

Si kastaba, Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internetka ayaa si weyn looga Somalia, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankan markii uu soo baxay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment