Afar qarax oo hal habeen ruxay dalka Sweden

Bulsha:- Afar qarax ayaa saacad gudaheed ruxay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden, sida ay booliska sheegeen, ayada oo dalka uu la tacaalayo sare u kaca rabshadaha la xiriira burcadnimada.

Abaare 1:00 am, booliska magaalada Gothenburg ayaa helay warbixino ku saabsan laba qarax oo ka kala dhacay laba guri oo kala duwan, oo ay u dhaxeysay 10 daqiiqo.

“Labada goob-ba waa la xiray, waxaana socda baaritaano,” ayey booliska yiraahdeen ayaga oo intaas ku daray in khubarada bamka loogu yeeray goobta.

“Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan dad dhaawacmay, kaliya qalab ay waxyeello gaartay,” ayey yiraahdeen booliska.

Saacad kadib, laba qarax oo ay daqiiqado u dhaxeysay ayaa ka kala dhacay magaalada Norsborg ee duleedka koonfureed ee Stockholm iyo magaalada Nykoping, oo 100 km koonfur ka xigta caasimadda.

Labada kiisba, booliska waxay sheegeen in cidna aanay wax ku noqon. Dhammaan afarta qarax ayaa ka dhacay dhismooyin ay shacab degan yihiin.

Sweden ayaa sanadihii dhowaa la tacaaleysay inay xakameyso toogashooyinka iyo bambooyinka, ayada oo burcad uu ka dhaxeyo dagaal ganacsi daroogo ay kala aargudanayaan.


Hase yeeshee booliska Gothenburg ayaa AFP u sheegay inaan weli la go’aamin sababta ka dambeysay labad qarax ee ka dhacay magaalada.

Sanadkii 2022, Sweden waxaa ka dhacay 90 qarax, iyo 101 kiis oo isku day qaraxyo ama diyaarin ah, sida ay sheegeyso xogta booliska.

Sannadkan illaa 15-kii August, waxaa la diiwaan geliyey 109 qarax.

Booliska ayaa horey u sheegay in bambooyinka inta badan loo adeegsado in lagu cabsi geliyo bartilmaameedyada, halka toogashooyinka loo adeegsado in lagu dilo loogana takhaluso cadowga.

Dalka ayaa laga diiwaan geliyey 391 toogasho 2022, kuwaas oo 62 ka mid ah ay ahaayeen dhimasho, taasi oo 45 boqolkiiba ka sarreysa sanadkii ka horreeyey, sida ay ku warrameyso xogta booliska.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment