Trump oo shaaciyey inuu filayo in la xiro

Bulsha:-  Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad.

Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah.

Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

"Jack Smith, dacwad oogaha Waaxda Cadaaladda Joe Biden, ayaa soo diray warqad... uu ku sheegayo inaan bartilmaameed u ahay baaritaanka xeerbeegtida January 6," Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

Trump oo 77 jir ah ayaa sheegay in la siiyay afar maalmood si uu ugu soo wargaliyo xeerbeegtida "taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacawd."

"Ugaarsigan wuxuu ku saabsan yahay farogelinta doorashada iyo in sharci fulinta loo adeegsado hub siyaasadeed ahaan," ayuu yiri. "Waxay qarankeennu u tahay xilli madow iyo murugo.”

Trump oo la hadlay Fox News goor dambe Talaadadii ayaa ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga inay Waaxda Cadaaladda u adeegsanayaan inay dilaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.


"Waaxda Cadaaladda waxay noqotay hubka Dimoqraadiyiinta,” ayuu yiri. "Waxay rabaan inay isku dayaan, oo ay hoos u dhigaan, oo ay wiiqaan, oo ay cabsi geliyaan dadka."

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment