Madaxweyne XASAN oo magacaabay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar labaad u magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe, kaasi oo lagu baahiyay barta Bankiga ee Twitter-ka.

Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka bilaabanaya 17-ka bishaaan ee 2023-ka, kaasi oo dhan afar sano.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) waxa uu isu beddelay mid siyaasad ku haga oo ku dhisan hay’ad shaqo oo uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdiraxmaan.

“Guulaha waaweyn ee dib u habeynta lagu gaaray waxaa ka mid ah nidaaminta Adeegga Lacagaha Taleefannada, Sameynta Kaabayaasha Lacag-bixinta Qaranka, Hirgelinta Lambarka Xisaabta ee Bankiga Caalamiga ah (IBAN), iyo in la qaato Heerarka Jawaab-celinta Degdegga ah ee Qaranka Soomaaliyeed (SOMQR).”

Qorshayaashan ayaa gacan ka geystay horumarinta kamid noqoshada maaliyadda, horumarinta hufnaanta waaxda maaliyadda, iyo kobcinta wada-shaqaynta gudaha qaabka lacag bixinta ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay heshay ra’yi hantidhawr nadiif ah warbixinteeda maaliyadeed ee sanadlaha ah ee sanadka saddexaad ee isku xigta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment