Daawo: Mooshin ka dhan ah gudoonka BF oo socda

Bulsha:- Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa banaanka hore ee xarunta Villa Hargeysa kula hadlay warbaahinta, isagoo sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah guddoonka golaha.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoonka ay la xisaabtamayaan, maadaama ay is tuseen in baarlamaanka uusan sidaaan ku sii soca karin, wuxuu sheegay in kulamada golaha oo maalmahaan hakad ku jiray ay maanta u xigtay kulankii oo lagu soo xiray si deg deg ah.

“Mooshin isla xisaabtan ah ayaan ka wadnaa Gudoonka Golaha, sidaan kuma sii shaqeyn karno, waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, waxaan hadda u shaqeynaa sidii baarlamaan waqtigiisu gabagabo yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankoodii shalay loogu qeybiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka, kadibna guddoomiye ku xogeenka labaad ee golaha oo shir guddoomineysay ayaa ku war gelisay in kulanka lasoo xiray.

“Guddoonku maalin kasta wuxuu fasaxaa ugu yaraan 100 xildhibaan, sharciguna ugu badnaan 30 xildhibaan ayuu u ogolyahay inuu fasaxo, marka isla xisaabtan kama jiro meeshaan,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay cunaqabateynta ay kooxda Al-Shabaab ku soo rogtay magaalada Baydhaba, wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada laga soo doorto magaaladaas.

Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa madaxweyne Laftagareen oo laga rabay in arrintaan uu wax ka qabto wuxuu ku eedeeyey inuu ku mashquulsan yahay muddo kororsi.

“Nasiib darro Laftagareen wuxuu ku mashquulay muddo kororsi, xisaabtana uguma jirto inuu qaado tallaabo uu ku badbaadinayo dadkiisa, mana garanayo cano uu u yeelan karo kursi kaligiis ah oo lagu go’doomiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.


Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in hadii ay yihiin xildhibaanada federaalka ee K/Galbeed ka soo jeeda ay arrintaan kula xisaabtamayaan dowladda federaalka oo ay ka tirsan yihiin, isla markaana ay doonayaan in deg deg dadkooda looga dul qaado cunaqabateynta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment