Daawo: Maxaa kuu soo kordhay isbeddelkii hay’adda socdaalka kadib fadeexaddii musuqa

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo kormeeray xarunta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi waxa uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda, xilli isbeddel lagu sameeyay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Mudane Xamza ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda hay’adda, isaga oo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar-gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey.

Waxa uu la wadaagay ra’iisul wasaaraha in ka hoggaan ahaan ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed, xilli hay’adda noqotay xudunta musuq-maasuq dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa agaasimaha cusub u sheegay in looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo.

Xamza ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimada ay hay’adda u leedahay dalkeena, islamarkaana ay tahay halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taasi oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.

8-dii bishaan ayay aheyd markii Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe uu agaasime ku-meel gaar ah u magacaabay hay’adda fadeexadda musuq-maasuq uu hareeyey ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq.

Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay


Xubnaha 18-ka ah ee kiiska musuq-maasuq lagu soo oogay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Maxamed Aadan Koofi, oo isna horey usoo noqday agaasimaha hay’adda ee ka horreeyey Cabdul, kaasi oo isna sidoo kale iska fogeeyey eedaha loo jeediyey kuna macneeyey kuwo dano kale laga leeyahay.

Si kastaba, hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.

Hoos ka daawo muuqaalka




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment