Ruushka oo fuliyey qodobo ka mid ah heshiiskii kooxda Wagner

Bulsha:- Hay’adda amniga Ruushka ee FSB ayaa maanta ku dhowaaqday inay laashay dacwad ka dhan aheyd dagaal-yahanada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee ku eedeysan inay sameysay gadood hubeysan oo ay xukunka uga tuureyso hoggaanka militari ee dalka.

“Kiis dambiyeedka loo furay kacdoonkii hubeysnaa ee shirkadda militariga gaarka ah ee Wagner waa la xiray,” ayey FSB ku tiri bayaan ay baahiyeen wakaaladaha wararka Ruushka.

FSB ayaa go’aankeeda ku sharaxday bayaanka, ayada oo sheegtay in ka qeyb-galayaasha kacdoonka hubeysan “ay joojiyeen ficilladooda tooska ahaa ee looga dan lahaa inay dambi galaan.”

“Iyadoo la tixgelinayo arrintan iyo duruufaha kale ee la xiriira baaritaanka, hay’adda baaristu waxay soo saartay go’aan lagu soo afjarayo kiiska dambiga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

FSB ayaa dhammaadkii toddobaadka ku eedeysay aas-aasaha Wagner Yevgeny Prigozhin inuu isku dayey inuu billaabo “dagaal sokeeye,” waxayna ugu baaqday dagaal-yahannada kooxda inay soo xiraan.

Dhinaca kale, diyaarad lala xiriirinayo Yevgeny Prigozhin ayaa maanta tagtay dalka Belarus kadib markii ay ka baxday Ruushka, ayada oo la rumeysan inay u qaaday dibad-joognimo, saddex maalmood kadib gadoodkii ka dhanka ahaa militariga Ruushka.


Website-ka dabagalka duulimaadyada ee Flightradar24 ayaa muujiyey diyaaradda Embraer Legacy 600, oo wadata tirooyinka aqoonsi ee diyaarad lala xiriiriyo Prigozhin, sida ku cad dokumentiyada xayiraadaha Mareykanka uu saaray Prigozhin, oo ka degeysa caasimadda Minsk.

Waxay markii hore website-ka kasoo muuqatay ayada oo dul mareysa magaalada Rostov ee koonfurta Ruushka, halkaasi oo ciidamada Wagner ay qabsadeen Sabtidii.

Heshiiskii la isku raacay Sabtidii ee qaboojiyey xiisadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa inaan wax kiis dacwadeed ah lagu soo oogin ciidamada Wagner ee ka qeyb-qaatay kacdoonka, iyo in hoggaamiyahooda Prigozhin uu u guuro dalka Belarus, qodobadaas oo Kremlin-ka uu hadda fuliyey.

AFP, REUTERS









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment