Raggii bixiyay Muuqaalkii jirdilka CCTV ee ka dhacay xarunta Taraafiko oo la xukumay

Bulsha:-  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Seddax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay, kaas oo lagu dhibaateeynayay muwaadin Soomaaliyeed.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Xarunta Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa lagu sheegay inay raggaan awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka.


Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment