Sawirro: Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan oo guddoomiyey shirka amniga gobolka

Bulsha:-  Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa maanta shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeennada gobolka, xoghayaha guud ee gobolka, Duqa magaalada Beledweyne iyo saraakisha laamaha amniga gobolka Hiiraan sida Booliska, Nabad-sugida, iyo militariga.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka deegaanada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan, oo ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Guddoomiyaha magacaaban ayaa kulankaan warbixino uga dhageystay xubnaha maamulka gobolka Hiiraan, heer gobal iyo heer degmo iyo saraakiisha laamaha amniga, isaga oo carabka ku xoojiyey in ahmiyada la saaro amniga iyo xasiloonida gobolka.

Sufuroow ayaa sidoo kale waxa uu balan-qaaday in maamulka gobolka Hiiraan uu la imaan doono siyaadad hufan oo la iskula shaqeeyo, si loo kabo hanaanka dowliga daah-furnanata iyo isla-xisaabtan-ka midaas oo qeyb ka ah siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha magacaaban ayaa waxa uu faray laamaha amniga gobolka Hiiraan in ay kala shaqeeyan sugida amniga iyo sidii looga hortagi lahaa kooxda Al-Shabaab iyo wax walba oo qalqal-gelin kara hanaanka dowliga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ammaanay shaqada adag oo madaxda maamulka u hayaan bulshada, isaga oo ku booriyay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa qoysaska ka barakacay howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah ee Hiiraan ka socda.


Kulankan ayaa imanaya, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi Cali Jayte Cismaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kadib warqad kasoo baxday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo ka bilaabaneysa 24 bishan oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi, ayada oo muddadaas la fasaxay diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka.

Si kastaba, HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana oga sida ay wax noqon doonaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment