Madaxweyne Xasan 'oo soo dhoweeyey' go'aanada QM ee xaaladda Laascaanood

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Golaha Ammaanka ayaa shalay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay madaxtooyada kulan casho kula yeeshay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada, madaxweynaha ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.


“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa tan iyo bishii Febraayo ka taagnaa dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo kasoo jeeda deegaanka, kuwaasi oo ay ku dhinteen tobanaan qof, kuna barakaceen kumanaan kale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment