Hoggaamiye sare oo katirsanaa Al Shabaab oo gacanta dowladda soo galay

Bulsha:- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda.

Ninkan ayaa NISA magaciisa ku sheegtay Cabdiraxmaan Macalin Axmed  oo Al Shabaab looga dhax yaqaan (Abuu-Saacid ama Shariif), NISA ayaana sheegtay in ninkan xilalka kala duwan kasoo qabtay kooxda Al Shabaab inta uu kamid ahaa.

Abuu Saacid ayaa soo qabtay xilal ay kamid ahaayeen qaaddiga maxkamadda gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo Lataliyihii hoggaamiyihii Al Shabaab ee Axmed Godane, waxa uu sidoo kale soo noqday madaxii Sakawaadka gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Sakawadka Al-Shabaab.

Hoggaamiyahan katirsanaa Al Shabaab ayaa hay’adda NISA shaacisay in uu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxaana ninkan hadda gacanta ku haya ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment