Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Sabtidii uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaaray weerar ay kooxda Al-Shabaab Jimcihii ku qaadday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidammada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka ATMIS.

Museveni ma uusan sheegin tirada askarta kaga dhimatay ama kaga dhaawacantay weerarkaas oo ka dhacay Buulo Mareer, balse waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo qirto khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas ciidamada Uganda.

“Waxaan tacsi u diraynaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay,” ayuu Museveni ku yiri hadal uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray in milateriga dalkaas ay sameeyeen guddi baaritaanno ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Musaveni ayaa sheegay in intii uu socday weerarkaas “Qaar ka mid ah askartii halkaasi ku sugneyd aysan u dagaallamin sidii la rabay, laakiinse ay argagaxeen, taas oo keentay jahwareer, Al Shabaabna ay ka faa’iideysteen inay gudaha u soo galaan saldhiga oo ay burburiyeen qeyb ka mid ah qalabkii yaallay saldhigga"


Al Shabaab ayaa war ay soo saartay xiligaasi ku sheegtay in ay fuliyeen weeraro ismiidaamin ah, ayna ku dileen 137 askari oo ku sugnaa saldhiga.

ATMIS ilaa hadda ma aysan sheegin tirada askarta lagu dilay weerarkaas.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment