Daawo: Sidee SHACABKA uga falceliyeen go’aanadii Golaha Wadatashiga?

Bulsha:- Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka aragti dhiibtay qodobadii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo heshiis looga gaaray doorashooyinka soo socda oo noqonaya qof iyo cod iyo wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga ah.

Shacabka Muqdisho ayaa ku kula aragti duwaanaday go’aannada soo baxay, ayada oo qaarkood ay taageereen, halka kuwa kalena ay ka hor yimaadeen.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuu taageerayo war-murtiyeedka lasoo saaray, haddiiba laga tegayo nidaamka beelaha ee 4.5.

“Waa dooran karaa, haddii 4.5 ka tanaasuleyno hal iyo cod waa dooran karnaa, waana u baahanahay. Soomaaliya hal waayay” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Muqdisho.

Wiil kale oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan caasimada ayaa dhankiisa ka horyimid qodobada lasoo saaray, wuxuuna sheegay in marxaladda lagu jiro aysan suuragelin karin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo u sababeeyay amniga guud ee dalka.

“Aniga ma qabo taas, sababtoo ah marxladda hadda lagu jiro marxalad looga bixi karo doorasho qof iyo cod ah ila ma’aha, waxaan rabnaa in marka hore in la helo heshiis bulsho” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo isna ka hadlay go’aannada soo baxay.


Sidoo kale wiil kale oo ka falceiyay heshiiska dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shaaciyay inuu hirgeli karo go’aankan, haddii loo diyaar garoobo, wuxuuna tusaale usoo qaatay doorashadii 25-kii bishaan May ka dhacday deegaanada maamulka Puntland.

‘Puntland oo maamul goboleed ahba waa ka dhacday annaga oo federaal ah dowladdii dhexe eh beri subax ayey ka dhici kartaa haddii loo baahdo oo loo diyaar garoobo oo la helo qorshe diyaarsan” ayuu isna ku yiri doodiisa wiilkan dhalinyarada ah

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa ujeedaa Xamar amniga ka jira oo sanadkan gudihiisa la gaaray hadda waxaan joognaa amni iyo ammaano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment