Hoggaanka SSC oo jawaab kasoo saaray go’aankii Golaha Ammaanka QM

Bulsha:- Hoggaanka SSC-Khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay bayaankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo si kulul looga hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood.

Qoraalka SSC ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay baaqa Golaha Ammaanka ee ku aadan in ciidanka Somaliland laga saaro aagga magaalada Laascaanood.

SSC waxay sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga shaqeeyo xasiloonida, isla-markaana ay taasi fure u tahay in Somaliland ay dib uga baxdo dhulkooda.

“Qoraalka maanta ee Golaha Ammaanku waa talaabo muhiim ah oo ku aadan sugida nabada waqooyiga Soomaaliya, Golaha Sarre waxa uu markastaba ku baaqayay in maleeshiyaadka Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, taasi oo ah jidka kali ah ee nabada” ayaa lagu yiro warqad kasoo baxday guddiga sare ee hoggaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa ay SSC intaasi kusii dartay inay fududeyneyso guuritaanka ciidanka Somaliland, waa haddii ay ka baxaan aaga magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu sheegay in SSC ay ayideyso mabaadiida Qaramada Midoobay ee gargaarka bini’adamnimo isla-markaana ay saaxiibada kala shaqaynayso in dadka la gaarsiiyo gargaar aan la carqaladayn.


SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga mahadcelisay ilaalinta madax-bannaanida Somaaliya sida qoraalka lagu xusay qoraalka ay maanta soo saartay.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana halkeedii ah xiisadda ka taagan magaaladaas oo ay weli madaafiic isku weydaarsanayaan labada dhinac.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo diray.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment