qoyskii lagu bahdilay Boosaaso ayaa gabadhooda xog layaab leh ka bixisay

Bulsha:- Qoyskii dhowaan weerarka loogu geystay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay weli sugayaan caddaalad, qoysaan ayaa laga baahiyey muuqaal naxdin leh Sabtidii, kaas oo muujinayay qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb iyo handaad ah loo geysanayo.

Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay oo iyadoo ku sugan dalka Faransiiska BBC la hadashay ayaa sheegtay in weli aysan helin cadaaladdii ay ka filayeen laamaha ammaanka Puntland.

Booliska magaalada Boosaaso ayaa horay u shaaciyey in lasoo xiray afar dhalinyaro ah, oo ku eedeysan inay falkaas ku kaceen, waxaana sii maqan qof kale oo weli lagu dabajiro, sida laga soo xigtay booliska.

Kheyriya ayaa sheegtay in sababta raggaas loo hayo ilaa hadda ay ka dhigan tahay inaan dembi loo heysan, “Maanta ayaa lagu ballansanaa in maxkamad la horgeeyo, balse haddana Axad ayaa loo dib dhigay,” ayey tiri Kheyriya.

Waxay intaas ku sii dartay, “Annaga waxaan ku faraxsanahay in maxkamad la horgeeyo, cadaaladda la marsiiyo, markaas ayaan qanceynaa oo cadaalad baan helnay ayaan dhihi doonaa, waxbaa la qabtay iyo wax baa la xiray cadaalad uma arko.”

Ugu dambeyntii Kheyriye waxay soo dirtay codsi waxayna tiri, “Waxaan codsanayaa in dadkeygu ay cadaalad helaan, oo dowladda Puntland ay raggan cadaaladda horgeyso, nimankii falkaas geystay ee la arkayo iyagoo dad jiifa ciid madaxa uga shubaya, anigu weli ma arko cadaalad, marka maxkamad la horgeeyo baan qancayaa,.”


Sida laga arki karo muuqaalka, kooxdaan ragga ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya, sidoo kale waxay aad ugu hanjabayaan hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah.

Taliyaha booliiska gobolka Bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa horay u sheegay in dhibaatadaan ay asalkeedii ka timid hadallo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta Tiktok, taas oo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibanayaal u noqdaan.

“Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey baraha bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira ayaa loo dhacay, waxaana qof hurda dhabanka laga saaray Cag, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyagoo ah dhalinyada unbaa ka falcelin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay,” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.

Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marin doono ciqaabtooda.

Kheyriya ayaa sheegtay in arrintan ay asalkeeda ka ka bilaabatay kaddib markii ay is khilaafeen gabar sida ay sheegtay guri ay isla degganaayeen.

“Gabadhii way soo caytantay, anigana waan soo caytami jiray, dad ilma adeerradeed ah ayaa u hiilin jiray. Tiktok ayagoo badan iyo aniga keligey ayaan noqon jirnay, waxay igu eedeeyeen ugaas bay cayday aniga Ugaas ma caayin, qabiil bay caayeysay anna qabiil baan caynayey,” ayey tiri Kheyriya oo la weydiiyey halka uu ka soo bilowday kiiskaan.

Waxay Kheyriya intaas ku sii dartay, “Gabadha ayaa mar maqribadii ah ayay Tiktok iiga soo hanjabtay oo tiri waa in 24 saac gudahood wax laga qabtaa oo jawaab lagu tusaa, 3-dii habeenimana reerkeyga ayaa la weeraray.”

Wiilashan hadda booliisku gacantu ka hayo, ayay Kheyriya sheegtay in la dirsaday oo gabdhihii ay is khilaafeen oo ilmo adeer ay yihiin, kuwaas oo hadda ku jira gacanta hey’adaha ammaanka Puntland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment