Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu weeraray xerada Xalane

Bulsha:- Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Illaa laba hoobiye ayaa la sheegay inay ku soo dhaceen xerada Xalane, halka mid saddexaad uu ku dhacay nawaaxiga halka diyaaradaha ay kasoo degaan ee garoonka Aadan Cadde.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana isla markiiba ka howl-galay laamaha amaanka oo gaaray aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in howl-galkaas ay ciidanka amaanka sameeyeen gacanta ku soo dhigeen dhowr xabo (baalooto) oo hoobiye ah.

Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay mobile-dii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo gurigii laga soo ridayay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka amaanka gaar ahaan kuwa howlgalka Ciiltire oo uu ugu horreeyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ciidanka hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyeyaasha,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliska ayaa shaaciyay in dowlada federaalka ay la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo xubnihii Shabaab-ka ahaa ee shacabka dhibaataynayay.

“Waxaa (guriga) hadda ku sugay ciidanka amaanka. Waxaana socoto baaris arrinta la xariirta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.


Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment