Wararkii ugu dambeeyay baarista shaqaaqadii Baraawe iyo cidda masuuliyada leh oo…

Bulsha:-  Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta hortegay guddiga xaqiiqo raadinta BF ee shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Baraawe.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada BF ee Villa Hargeysa ayaa waxa uu guddiga gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Shacabka u saaray shaqaaqadaasi warbixin uga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiinta kale.

Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay wixii Baraawe ka dhacay iyo kadib markii ay tageen waxyaabihii kusoo arkeen.

Waxa uu wasiirka guddiga uga warbixiyay hadda sida ay tahay xaaladda magaalada Baraawe ee caasimadda maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, oo iska hor-imaad hubeysan ku dhexmaray ciidamada milatariga iyo kuwa Daraawiishta ee maamulkaas.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kadib markii uu kulanka soo dhamaaday la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli ay socoto baarista shaqaaqadii dhawaan ka dhacay Baraawe, islamarkaana ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii masuuliyadeeda ku cadaato wixii ka dhacay halkaasi.

“Wasiirka iyo xubnihii la socday waxay warbixin naga siiyeen wixii ay kusoo arkeen meesha (Baraawe). Baarista waa socota cid kasta oo lug ku yeelata ay maxkamadaha horgeyn doonaan,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta shaqaaqadii Baraawe ee BF.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidankii la kala qaaday, islamarkaana labada sarkaal ee hoggaamineysay ciidamadaas loo soo qaaday Muqdisho.

“Waa Ilaahay mahadii mar haddii garoonkii diyaaradaha la furay, ciidamadii la kala qaaday oo masuuliyiintii labada sarkaal lasoo qaaday, wixii dambena baaritaanka lasoo dhameystiri doono.”


Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiisha kale ee kulankaan warbixinta looga dhageystay ayaa dhawaan gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaare culus.

Dhammaan masuuliyiintaasi ayaa markii ay tageen Baraawe waxay kulamo la qaateen ciidamadii ku dagaalamay magaaladaas iyo saraakiishooda, kuwaas oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo K/Galbeed.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa haatan wada baarista dagaalkii Baraawe oo ay ku dhinteen 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, kadib markii lagu guuleystay in la kala qaado labada ciidan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment