Daawo: DF oo soo xirtay ganacsade u awood sheegtay shaqaale ajaanib ah

Bulsha:- Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ka duulaya cabasho ay si hoose ula soo wadaageen shaqaale ajaanib ah oo ka cabanayey ganacsade Soomaali ah ayaa maanta tallaabo qaaday.

Waxaa lasoo xiray ganacsadahaas oo dalka keenay, kadibna u diiday xuquuqdii ay ugu shaqeeyeen lix nin ajaanib ah, sidoo kale ganacsadahaasi waxaa loo heystaa in shaqaalaha ka soo dacwooday ee Pakistan u dhashay uu ku xareystay meel gaar ah.

Xafiiska ayaa hoggaanka barista dambiyada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed faray in baaris lagu sameeyo cabashada dadkaas ajaanibta ah eek a soo dacwooday ganacsadaha Soomaaliga ah.

Taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo xeray milkiilaha shirkad ka shaqeysa dhismaha oo dalkaan keenay shaqaalahaan ajaanibta ah, si ay ugu shaqeeyaan, balse la sheegay inuu u diiday xuquuqdoodii.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo qabashadii ninkaas kadib wuxuu bilaabay baaritaanka kiiskaan, asagoo maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysanaha.

Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa sheegay in xafiiska uu baaris ku wado falka loo geystay shaqaalahaan ajaanibta ah, markii baaritaankaan soo dhamaadana loo gudbin doono maxkamadda gobolka Banaadir, si loo maxkamadeeyo.

Xafiiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keena shaqaalaha ajaanibta ah, waxaana la faray in ay ka taxadaraan ilaalinta xaquuqda ay leeyihiin, inta ay u shaqeynayaan.


Sidoo kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta ballanqaaday in qofkii ku xad-gudba ilaalinta shuruucda aadanaha iyo tan dalkba tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment