Cali Yare Cali oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Xisbiga Nabad iyo Nolol

Bulsha:- Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga G/Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa jawaabti ugu horeysay ka bixiyey qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaji Farmaajo oo lagu cadeeyay in xisbiga Nabad iyo Nolol uusan kamid aheyn Cali Yare

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu sheegay in Cali Yare si iskiis ah u go’aansaday inuu isaga baxo Nabad iyo Nolol, waxayna Xuseen inuu doortay la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

”Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka Nabad iyo Nolol.

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee amniga G/Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa soo saaray qoraal kooban oo uu arrintan kaga jawaabayo kaasoo u qornaa sidatan hoose.

Waxaan aqriyay warqad tilmaamo ISTASH-HAADEED leh, oo lagu kala dhantaalayo cuddudda shacab iyo taageeradda baaxadda leh ee xisbigeennu leeyahay, laguna sheegay inaan anigu si iskeey ah uga baxay xisbigii aan 14 Sano ka hor wada aasaasannay Hoggaamiyaheenna, Madaxweyne hore Farmaajo iyo aniga [Ali Abdi Wardhere], ee ku soo billowday magicii TAYO, markii dambana aan u bixinnay magaca Nabad iyo Nolol.

Hadda waxaan ku jiraa safar dheer oo diyaaradeed.

Marka ugu horreysa ee aan meel gaaro lana tashada rukniyadda xisbiga iyo taageerayaasheenna naftood-hurayaasha ah ayaan mowqifkeyga rasmiga idinla wadaagi doonaa IA.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment