Saddex fasiraad oo laga bixiyay hadalkii Saciid Deni ugu jawaabay Xasan iyo Xamza

Bulsha:- Hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay si adag uga jawaabay dhaliilo dhawaan hoggaankiisa uga yimid dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza, kuwaasi oo walaac ka muujiyay ismaan-dhaafka la xiriira doorashooyinka Puntland iyo sida ay wax u wado xukuumadda Saciid Deni.

Deni ayaa weli ku adkeysanaya hanaankiisa doorasho ee ugu magac daray “dimuqraadiyeynta Puntland”, halka Xasan sheekh iyo Xamza soo jeediyeen in wax walba oo la xiriira doorashooyinka Puntland ay noqdaan kuwa heshiis lagu yahay.

Saciid Cabdullaahi Deni oo deganaan badan aysan ka muuqan ayaa farriin careysan uga jawaabay hadalada Xasan iyo Xamza.

Saddex fasiraad ayaa ka dhex muuqatay hadalka uu shalay Saciid Deni u jeediyay dadweyne iskugu soo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si ay taageero ugu muujiyaan urur siyaasadeedkiisa KAAH.

1. Kicin Beeleed: Saciid Deni wuxuu yidhi waa la socotaan kulankii saddex geesoodka ahaa ee lagu dumiyay magaalada Laascaanood, kaas ayaa hadda la rabaa in Puntland lagu dumiyo, wey nasoo gaartay farriintaas diyaar ayaa u nahay in aan ka hortagno.

Wuxuu Deni ula jeeda kulankii Xasan Sheekh Maxamuud, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi Cabdi ee ka dhacay Jabuuti.

Qeybtan waxaa ku jirtay farriin kicin beeleed ah oo u dhigan in saddexdaas hoggaamiye ee isku xisaabta ah ay duulaan beeleed wadaan.

2. Dagaalka Xasan Sheekh iyo Deni: Iyada oo dadka siyaasadda u dhuun daloola ay fahamsan yihiin waxa Xasan Sheekh iyo Saciid Deni isku hayaan, haddana Saciid shalay waxa uu si buuxa dadweynaha ugu cadeeyay dagaalka Xasan iyo isaga.

Wuxuu ku tilmaamay madaxweyne federaal diid ah, sidoo kalena dimuqraadiyad diid ah, wuxuu ku eedeeyay inuu hor istaagay doorashooyinkii dadweyne ee Puntland damacsaneyd sanadkii 2013-kii.

3. Ololaha mashruuca Saciid Deni: Waxa uu Deni u muuqday inuu deg deg uga faa’iideysanayo hadalada Muqdisho ka yimid si uu ukasbado reer Puntland-kii diidana siyaasadiisa, gaar ahaan aragtidiisa doorashada. Wuxuu ku cel-celiyay si dadkaas loogu jawaabo ama loo muujiyo difaac mideysan inay muhiim tahay dhaqan-gelinta barnaamijkiisa dimuqraadiyada Puntland.

Si fudud qoddobkan waxa uu helay olole xooga maan-gal ah. Hadalka Saciid Deni wuxuu u muuqday inay si weyn usii kala fogaadeen isaga iyo madaxda dowladda federaalka ah.

Saciid Cabdull Deni oo bilooyin uga harsan yihiin xafiiska, ayaa muddo xileedkiisi ku kharash-gareeyay dagaalka dowladda dhexe ee Soomaaliya, isaga oo saddex sano iyo dhowr bilood dagaal kala soo horjeeday Farmaajo, halka uu haddana hal sano mucaarid ku yahay Xasan Sheekh Maxamuud.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment