R/Wasaare Xamza oo magacaabay xubno cusub oo wasiirro ah

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabay xubno wasiirro ah oo cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa Mudane Cabdikariin Cabdow Xaydar loogu magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Mudane Axmed Jaamac Cumar u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu kula dardaarmay xubnahaan cusub in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Hoos ka aqrso wareegtada oo dhameystiran;

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Mudane, Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.


Mudane Xamza ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment