Iran oo qabsatay Markab weyn iyo ciidamada Mareykanka oo..

Bulsha:- Iran ayaa gacanta ku dhigtay markab shidaal siday oo uu ka babanayay calanka jasiirada Marshal kaasoo marayey gacanka Cumaan ee biyaha caalamiga ah.

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay inuu ahaa kii ugu dambeeyay ee weeraro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayey biyaha khaliijka tan iyo sanadkii 2019-kii.

Telefeshinka qaranka Iran ee IRIB News ayaa ku baahiyay kanaalka Telegram-kiisa in ciidamada badda Iran ay gacanta ku dhigeen markab ka babanaayay Jaziirada Marshal, balse ma bixin wax faah faahin ah.

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa markabkan ku sheegay magaciisa “Advantage Sweet”.

“Iran dhibaatada joogtada ah ee ay ku hayso maraakiibta iyo faragelinta xuquuqaha marista ee biyaha gobolka waxay khatar ku yihiin amniga badda iyo dhaqaalaha caalamka,” ayay yiraahdeen ciidamada badda ee Mareykanka, iyagoo intaa ku daray in Iran ay labadii sano ee la soo dhaafay si sharci darro ah u qabsatay ugu yaraan shan markab ganacsi oo marayey gacanka khaliijka iyo marinka Hormuz.

Tan iyo sanadkii 2019-kii waxaa jiray weeraro xiriir ah oo lagu qaaday maraakiibta mara biyaha istaraatiijiga ah ee Khaliijka xilli ay xiisad ka dhex taagan tahay Mareykanka iyo Iran.

Iran ayaa bishii November ee la soo dhaafay sii daysay laba markab oo ka babanaya calanka Giriiga oo ay bishii May ku qabatay gacanka Carabta, taas oo jawaab u ahayd shidaal uu Maraykanku kala wareegay markab sitay calanka Iran oo marayay xeebaha Giriiga.

Ku dhawaad shan meelood meel saliidda dunidu waxa ay maraa marin biyoodka Hormuz, oo ah meel cidhiidhi ah oo u dhaxaysa Iran iyo Cumaan.


Wadahadalada aan tooska ahayn ee Tehran iyo Washington ee dib u soo noolaynta heshiiskii Nukliyeerka ee Iran 2015 ee quwadaha adduunka ayaa hakad galay tan iyo bishii Sebtembar, arrimo badan oo ay ka mid yihiin Jamhuuriyad Islaami ah oo dagaal ba’an ku qaaday mudaaharaadyada dadweynaha, Tehran oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibisay Ruushka iyo dardargelinta barnaamijkeeda Nukliyeerka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment